SIDA LOOGU GUULAYSTO WAX KASTA OO AAD RABTO
NOLOSHA
Wax Ka Barro Channel
http://www.youtube.com/channel/UCmeBooZColRLshqVgjjcFgw
2
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
WaxKabarro.bloggspot.com
Contents
SIDA LOOGU GUULAYSTO WAX KASTA OO AAD RABTO NOLOSHA.............1
Wax Ka Barro Channel .........................................................................1
Hordhac ................................................................................................4
QAAD MASUULIYADA NAFTAADA !!..................................................5
ILLAAHAYBAA (SW) II QORAY WAXA IGU DHACAYA !!...............................6
MARARKA QAAR MA KAANTAROOLI KARTID DHAMAAN WAXA KU DHACAY
NOLOSHAADA. ......................................................................................7
100 % Qaad masuuliyada noloshaada......................................................7
GARRO UJEEDKAAD ADDUUNYADA U JOOGTO .............................9
Faraqa u dheexeeya ujeedada nolosha iyo hadafyada............................. 10
Sida Loo Helo Ujeedada Aad U Nooshahay Noloshaada........................... 11
GO'AANSO WAXAAD RABTO NOLOSHA ......................................... 12
Sida Loo Ogaado Waxaad Dhab Ahaan U Rabto Nolosha ......................... 13
Dhab Ahaan Ma U Doonaysaa Inaad Ogaato Waxaad Rabto Nolosha ....... 14
Imika waad ogaatay waxaad rabto nolosha............................................ 15
Aamin inay riyooyinkaagu suurto gal yihiin ............................................ 15
Sida loo aamino in riyooyinkaagu suurto gal yihiin.................................. 16
Daji Hadafyo........................................................................................ 17
Muhiimada ay leedahay inaad Hadafyo dajisataa ................................... 17
Inaad hadafyo dajisataa waxay sababaab farxad .................................... 18
Hadafyadaadu way ku dhiirigaliyaan ..................................................... 18
Sida Loo Dajiyo Hadafyadaada .............................................................. 19
Sharciyada iyo Tilmaamaha la raaco si aad u dajiso hadafkaaga............... 19
Hadafkaagu Ha Noqdo Mid isbad-badal leh............................................ 20
Ficil Samee.......................................................................................... 21
3
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
Waxba kuuma Qabsoomayaan ilaa aad ficil samayso.............................. 22
Wadada guusha .................................................................................. 22
Maxaad waxan oo dhan iigu sheegaysaa................................................ 24
Ka Gudub Cabsida.............................................................................. 24
Maxaa Sababa Ka Cabsashada Guuldarada ............................................ 25
Sida Loola Tacaalo Ka Cabsashada Guuldarada ....................................... 26
Barro Sida Loola Tacaalo Diidmada.................................................. 28
Maxay Dadku U Diidaan Fikradahayga iyo Codsiyadayda......................... 28
Marka Uu Qof Kastaaba Diido Fikradahaaga........................................... 29
Tijaabada weyn ................................................................................... 29
Kaligaa Maaha..................................................................................... 30
Sida loo guulaysto aduunkan aad arkayso.............................................. 30
Noqo Qof Adkaysi Leh ....................................................................... 31
Adkaysigu waa furaha lagu helo waxaad doonayso................................. 33
Guushaadu waxay ku xidhantahay tirada isku daygaaga ......................... 34
Ma waxaad umalaynaysaa inay inaga duwanaayeen .............................. 35
Adkaysigu waa furaha lagu helo waxaad doonayso................................. 36
Waxa Qoray: Cabdirasaq Faarax Cawad. ................................................ 37
WAX KA BARRO CHANNEL............................................................... 38
DHAMAAD ........................................................................................... 38
4
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
Hordhac
Buugani waa buug dhab ahaan kaa caawin doona inaad isbadal weyn
ku samayso noloshaada aanad gaadho waxkasta oo aad rabto nolosha.
Markaad akhrido dhamaan sharciyada aan halkan kuugu soo bandhigi
doono.
Buugani wuxuu khuseeyaa qof kasta oo raba inuu guul gaadho nolosha.
Haddii aad u jeelantahay guul akhri oo talaabo talaabo u raac dhamaan
xogta aan buugan kuugu sheegi doono.
5
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
QAAD
MASUULIYADA
NAFTAADA !!
6
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
Miyaad faraxsantahay? Ma ku qanacsantahay waxkasta oo aad haysato
noloshaada? Miyaanad rajayn inaad haysato wax ka badan inta aad
haysato?
Dabcaan HAA waad rabtaa! Waxaan hubaa inay jiraan waxyaabo
badan oo dhib kugu haya amase aad rajaynayso inaad hesho. Balse
su'aashu waxay tahay yaa ka masuul ah waxkasta oo kugu dhacaya
noloshaada?
Jawaabtu waa mid fudud: Adiga. Adiga ayaa ah ka kadambeeya
waxkasta oo ku dhacaya noloshaada. Niyadan iyo mood-kan xun eed ku
sugantahay, noloshaada bulshada ee aadka u liidata, dhibaatada
dhaqaale ee kugu dhaba dheeraatay eenad garanayn waxa sababay
dhamaan waxyaabahani waxay ka dhasheen waxaad adigu aaminsan
tahay, go'aanadaad qaadato iyo hadafyadaad dajisato.
ILLAAHAYBAA (SW) II QORAY WAXA IGU DHACAYA !!
Markaan badanaa qof u sheego inuu ka masuul yahay dhamaan waxa
ku dhacaya noloshiisha. Wuxuu ku jawaaba "maya Illaahaybaa ii qoray
waxaan ku suganahay" ana badanaa waxaan ugu jawaabaa dadkaa:
Markaad gaajooto maxaad badanaa qabataa? Miyaanad intaad
talaagada furto aanad kala soo bixin waxaad cunto? Maxaad u odhan
wayday Illaahaybaa ka masuul ah inuu cuntada ii keeno ! Maxaad ugu
cuntaa malqaacada ood u odhan wayday Illaahaybaa cuntada ka
dhigaya mid soo booda oo afka iigu dhacda?
Sababtaad arintan usamaynaysaa waxay tahay, waxaad ogtahay in
Allah(sw) abuuray dhaman cuntada iyo agabkaad ku cuni lahayd oo
dhan. Inaad isticmaasho agabkan iyo in kalana waa wax adiga ku
quseeya. Dhibaatadan ku haysataana kama badna natiijada ka dhalatay
qaabka liita ee aad u isticmaalayso qalabkan kuu diyaarka ah ee uu
Illaahay kuugu deeqay.
7
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
MARARKA QAAR MA KAANTAROOLI KARTID DHAMAAN
WAXA KU DHACAY NOLOSHAADA.
Dadka qaar ayaa iyaguna yidhaa, mararka qaar ma kaantoorali kartid
waxyaalaha xun ee ku dhacaya noloshaada? Inkastooy arintani run
tahay, haddana xaqiiq mawada aha.
Waxa lagayaabaa inaanad waxba ka qaban Karin haddii shaqo lagaa
eryo, lakiinse waxaad horumarin kartaa xirfadahaaga waxaanad raadsan
kartaa shaqo kale. Waxa laga yaabaa inaanad waxba ka qaban Karin
hadaad wax ku guuldaraysato lakin waxaad isku dayi karta mar labad
iyo mar saddexaadba ilaa aad ka guulaysanayso.
waxa laga yaabaa inaanad ka hortagi Karin dhimashada qof aad
jeceshahay, balse Illaahay baad ku dhawaan kartaa ood baryi kartaa
adoo waydiisanaya samir, aqbalayana wixii dhacay.
Waxay laga yaabaa inaanad dooran waxa kugu dhacaya nolosha, balse
100% waxaad ka masuul tahay inaad doorato habka aad ula tacaalayso
waxaa kugu dhacay.
100 % Qaad masuuliyada noloshaada
Haddii aad rabto inaad isbadal wayn ku samayso noloshaada oo aad
gaadho riyooyinka noloshaada waa inaad 100% qaadaa masuuliyada
noloshaada. Tan macnaheedu waxay tahay inaad joojiso dhamaan
cudurdaarada, cabashada, cambaaraynta iyo eedaynta duruufaha iyo
deegaanka kugu xeeran,
Haddii aad u fikirto inaad tahay qof nolosha ku dulman maskaxdaadu
waxay aamini doontaa fikradahan, waxaanad isku qancin doontaa
inaanad waxba ka qaban Karin waxkasta oo ku dhacaya noloshaada.
Sida cakiskeeda, haddii aad u fikirto inaad ka masuul tahay waxkasta oo
kugu dhacaya noloshaada, maskaxdaadu waxay bilaabi doontaa inay
ogaato inaad waxbadan badali karto haddii aad waxyar si adag u
shaqayso. Waxayna bilaabi doontaa inay kugu dhiirigaliso
hadafyadaada.
8
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
Inaad qaado masuuliyada noloshaadu waa talaabada koobaad ee aad
ku gaadhi karto hadafyadaada nolosha, aanad ku xalin karto dhamaan
dhibaatooyinkaaga.
Haddii aanad rabin inaad qaado masuuliyada noloshaada, isla
markaana aanad doonayn inaad qirato inaad masuul ka tahay waxkasta
oo kugu dhacaya noloshaada, waxaad ogaataa in aanay waxba iska
badali doonin noloshaada aanad sii ahaan doonto sidaad maanta tahay.
Si aad u noqoto qof guulaysta, waa inaad qirtaa xaqiiqda, waa adiga ka
ficilka sameeyay, waa adiga ka fikirka keenay, waa adiga ka
dareenadiisa dhaliyaa, waana adiga ka doortay inaad joogto halkaad
maanta joogto. dhamaan ficiladaad hore samaysayna waa kuwa kaa
dhigay qofkaad maanta tahay.
Inaad aaminto inaad tahay ka hagaya noloshiisa kana masuulka
waxkasta oo kudhacaa, waa talaabada koobaad ee aad horumar ku
gaadhi karto nolosha, waana talaabada aad ku xalin karto dhamaan
dhibaatooyinkaaga.
9
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
GARRO
UJEEDKAAD
ADDUUNYADA U
JOOGTO
10
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
Wuxuu ahaa qof nolosha guulo badan ka gaadhay, aadna u faraxsan,
wuxuu lahaa saaxiibo badan, xaaskiisuna aad bay u jeclayd,
ganacsigiisu wuu korayay, hantidiisuna way kordhaysay, qofkastaana
wuxuu ka hinaasanaa dhamaan waxaa uu haystay.
Balse aroor kaliya, ayaa waxay maqleen war naxdin leh "Wuu isdilay !! "
Waxaan hubaa inaad ugu yaraan maqashay hal qof oo isdilay isagoo
haysta waxkasta oo uu nolosha uga baahan yahay. Maxaad
umalaynaysaa inay ku kalifi karto qof saas ah inuu naftiisa ku
dhagaroobo oo uu isdilo?
Jawaabtu way fududahay, qofkaasi wuxuu lahaa yool ama hadafyo
waawayn nolosha balse muu lahayn ujeedo dhaba oo uu u noolaa
nolosha.
Faraqa u dheexeeya ujeedada nolosha iyo hadafyada
faraqa udhexeeya ujeedada nolosha iyo hadafyadu waa: hadafyadu
waxay jiri karaan bilaa ujeedo, balse ujeedadu ma jiri Karto haddii
aanay hadaf lahayn. Tusaale ahaan, waxaad yeelan kartaa hadaf ah
inaad akhrido buug qosol iyo madadaalo ah, balse buugani malaha
ujeedo wayn oo uu u shaqaynayo, saamayna ku yeelan maayo
noloshaada haddii aanad akhrin.
Intaad nooshahay waxaad yeelan kartaa hadafyo badan, oon aan u
shaqaynayn ujeedo dhaba, tana waxay kaa dhigi kartaa inaad dareento
in noloshaadu tahay mid bilaa nuxur iyo ujeedo ah xataa haddii aad
gaadho hadafyo aad u badan. Dhinaca kale, inaad ujeedo yeelato
noloshu waxay kugu dhiirigalin doontaa inaad dajisato hadafyo badan si
aad u fuliso ujeedadaa sare.
Ninkaa aan tusaalaha hore kusoo sheegnay ujeedada uu naftiisa u dilay
may ahayn in ku fashilmay oo uu ku guuldaraystay inuu gaadho
11
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
hadafyadiisa, balse sababtu waxay ahayd in hadafyadaa u ku
guulaystay aanay ku taxaluqnayn oo aanay u shaqaynay ujeedo dhaba.
Sida Loo Helo Ujeedada Aad U Nooshahay Noloshaada
Waxaad sawirataa oo aad ka soo qaadaa inaad awood u leedahay
inaad ogaato xiliga aad dhimanayso, ka soo qaad inaad joogto sanad ka
hor dhimashadaadii, sideebuu noqon lahaa fikirkaaga ku aadan
da'daadu? Muxuu noqon lahaa shayga ugu weyn ee aad qoomamayn
lahayd noloshaadu? Waa maxay shayga aad rajayn lahayd inaad
samayso ka hor inta aanad soo gaadhin da'dan.
Imikana sawiro oo ka soo qaad inaad joogto maalin ka hor
dhimashadaadii. Isku day inaad isku qabato indhahaaga, oo sawiro ….
BARI BAAD DHIMANAYSAA!!
Waa maxay shayga aad rajayn lahayd inaad qabataa? Waa maxay
waxaad is odhan lahayd yaa nolosha kuu dheereeya oo maalmo kuugu
dara si aad waxaa u qabato?
Markaad jawaabahaa hesho, buug iyo qalin soo qaado oo qor, kuna soo
noqo waqti xaadirkan aad joogto. HAMBALYO!! Waxaad heshay
ujeedadaad u noolayd noloshaada.
Waxaan kaa rabaa inaad arintan waqti ku bixiso oo aad ku celceliso ka
fikirkeeda,marar badan sababtoo ah tani waa ujeedada aad nooshay ee
aad u dagaalamayso ilaa dhamaadka noloshaada.
Xataa waxaad naftaada jaanis u siin kartaa inaad arintan ka fikirto
todobaadyo iyo bilo, markaad ogaato inaad heshay ujeedada dhabta ah
ee noloshaada, bilaw inaad u dagaalanto.
12
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
GO'AANSO
WAXAAD RABTO
NOLOSHA
13
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
Ma garanayo waxaan nolosha rabo!
Magaranayo waxaan ku sameeyo noloshayda!
Ma garanayo waxaan doonayo inaan noqdo!
Mana garanayo hadafyo aan dajisto nolosha!
Hadaladani marar badan maskaxdaada maku soo dhacaan oo ma
iswaydiisaa? Haddii aad hore isku waydiisay, kaligaa ma'aha waxa jira
kumanaan qof oon garanayn waxay nolosha ka rabaan, sababtuna
waxay tahay waxay ku dawakhsan yihiin oo aanay si fiican u fahmin
waxay baahiyahooga dhabti ahi yihiin.
Sida Loo Ogaado Waxaad Dhab Ahaan U Rabto Nolosha
Haddii aad rabto inaad ogaato waxaad rabto nolosha, waydii su'aalahan
naftaada
Maku faraxsan tahay noloshaada. ? Haddii aanad ku faraxsanayn waa
maxay sababaha aanad ugu faraxsanayni? Miyay tahay nolosha aad
hada ku nooshahay noloshaad badanaa jeclayd inaad ku noolaato?
Maxaad doonaysaa inaad noqoto? Maxaad rabtaa inaad ku guulaysato
nolosha? Waa maxay waxa aad necebtahay imika noloshu eed jeclaan
lahayd inaad badasho? Ma jiraan waxaad si xun ugu baahan tahay?
Markaad ka jawaabto su'aalahan waxa kuu soo bixi doona liis ah
waxaad dhab ahaan u rabto Iyo waxyaalaha aad doonayso inaad ka
fogaato ee aanad rabin.
isticmaal labada liis ee kuu soo baxaba, si aad u samayso hadafyo kaa
caawinaya aad inaad gaadho waxaad rabto nolosha iyo waxa aad
doonaysoh inaad ka fogaato.
Tusaale ahaan, haddii aad ogaato in ay ku haysato dhib ah dhaqaale
xumo iyo lacag la'aani, sidoo kalena aad rabto inaad caan noqoto.
Waxaad heshay laba hadaf oo aad gaadho noloshaada. Waa mida
14
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
koobaade, waxaad go'aansatay inaad ka fogaato faqriga oo aad taajir
noqoto, kalabaadna waa inaad caan noqoto.
Qofkasta oo aduunka ku nooli waxa uu leeyahay baahiyo aanu gaadhin.
Dadka qaar ayaa raba inay ku noolaadaan nolol fiican, qaar ayaa raba
inay caan noqdaan, halkan qaar kalana rabaan inay taajiriin noqdaan.
Inaad ogaato hadafyadaada iyo waxa aad rabto noloshu waa mid aad u
fudud, marka aad ogaato waxa aanad rabin nolosha ee jeclaan lahayd
inaad badasho. Hadii ay kugu adag tahay inaad noloshaada iyo
biilkaaga dabarto, waxaa hubaal ah inad rabto inaad lacag badan hesho
oo aad taajir noqoto.
Haddii aad neceb tahay xaqiiqda ah inaad tahay qof xishood badan
waxaad rabtaa waxay tahay inaad kalsoonidaada dhisto.
Haddii aad tahay qof badanaa istarees iyo war-war badan waxaa dhaba
inaad rabto inaad ku noolaato nolol bilaa stress ah.
Dhab Ahaan Ma U Doonaysaa Inaad Ogaato Waxaad Rabto
Nolosha
Mararka qaar dad badan ayaa yidhaa in aanay garanayn waxay dhab
ahaan u rabaan nolosha, xaga xaqiiqdu tahay inay khiyaamayaan
nafahooga. Tusaalayaashan soo socdaa waxay ku tusi doonaan dadka
sheegta in aanay garanayn waxay rabaan nolosha iyagoo ku salaynaya
sababo kale
>Cabsasho : qofka ka cabsanaya inuu hore u qaado talaabo horumar
ah noloshiisu wuxuu la yimaado cudurdaaro ah in aanu garanayn wuxuu
rabo nolosha, halka xaqiiqdu tahay in uu isku dayayo inuu qariyo
xaqiiqda ah inuu cabsanayo.
>Caajis & Kaantarool la'aan: waxaa jira dad badan oo sheegta in
aanay garanayn waxay rabaan nolosha, halka xaqiiqdu tahay inay 100%
ka warhayaan waxyaabaha ay ku farxi lahaayeen haddii ay heli
lahaayeen noloshooda. Xataa dadkaasi waxay bilaabaan inay ku
dhaqaaqaan ka dhabaynta hadafyadooda iyo waxay rabaan nolosha
balse markay todobaad wadaan ayay joojiyaan iyadooy ugu wacan
tahay caajis, nidaam la'aan iyo naftoodayna kaantarooli Karin.
15
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
>Kalsooni la'aan: Dad badan ayaa sheegta cudurdaaro badan iyagoo
leh manaqaano waxaan nolosha qabano si ay u qariyaan xaqiiqda ah
inay ka baqanayaan inay tijaabiyaan awoodahooga isla markaana aan
ku kalsoonayn naftooda.
Imika waad ogaatay waxaad rabto nolosha
Kuma lihi inay noloshu tahay mid fudud oo aad waxkasta ku heli karto
isku daygaaga ugu horeeya, ama inaad dhamaan dhibaatooyinkaaga ku
dhamayn karto bil iyo laba bilood gudahood.
Balse waxaan hubaa waxay tahay, haddii aad si adag oo geesinimo leh
ugu dagaalanto waxa aad rabto nolosha inaad ugu dambaynta ku
guulaysan doonto.
Haddii aad dhab ahaan u doonayso inaad hesho waxaa aad rabto
nolosha u dagaalan.
Aamin inay riyooyinkaagu suurto gal yihiin
Dadka oo dhami waxay leeyihiin hadafyo iyo riyooyin balse, balse inyar
oo kamid ah dadkaa ayaa caydhsada oo daba socda hadafyadooda.
Sababta ugu weyn ee aanay dad badani u cayrsan riyooyinkoodu waa
iyagoon rumaysnayn inay suurtogal yihiin.
Qofka bili'aadanka ah waxay maskaxdiisu dhiirigalisaa oo kaliya marka
uu rumaysan yahay in dadaaladiisu ay midho dhali doonaan oo uu heli
doono natiijada uu rabo. Haddii maskaxdaadu aanay hubin in ka
shaqaynta riyooyinkaagu ay natiijo keeni doonaan iyo in kale wax
dhiirigalin ah ku siin mayso.
Tana waa sababta ay aadka ugu muhiimka tahay inaad barato sida loo
aamino inay riyooyinkaagu suurtogal yihiin.
Markaad bilawdo inaad aaminto in riyooyinkaagu suurto gal yihiin,
waxaad is arki doontaa adigoo si aan caadi ahayn ugu dhiiri gashan
inaad gaadho riyooyinkaaga, taasina waxay sababi doontaa inaad
gaadho.
16
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
Sida loo aamino in riyooyinkaagu suurto gal yihiin
Su'aasha u qalanta 1-ka million ee dollar waxay tahay, siduu qof u
aamini karaa riyooyinkiisa?
Waxaa jira laba talaabo oo haddii aad samayso aad si toos ah u aamini
doonto in riyooyinkaagu suurto gal yihiin, waxaanay yihiin:
1: Hor istaag muraayad aad iska wada arki karto, intaa kadibna dheh
erayo aad ku cadaynayso inay riyooyinkaagu suurto galyihiin oo aad
gaadhi karto, sida: " siday doonto haw adkaato, siday doontana haw
qadhaadhaatee waan gaadhayaa waxaan rabo" ama "siday doontaba ha
ahaatee, waan ku guulaysanayaa" ku celceli erayadan marar badan.
Maalin kastana samee. Wax aad u cajiiba sida kalsoonida naftaadu u
kordhi doonto markaad naftaada waji ka waji u waajahdo eed si qasab
ah ugu sheegto waxaad rabto inaad gaadho. Waxkastooy riyadaadu
tahayba, istaag oo isku eeg muraayda horteeda oo qir inaad gaadhayso
waxaad rabto. Waxaad doontaba aad waajahdide.
2: maskaxdaadu si ay u sii rumaysato inaad gaadhi karto yoolkaaga waa
inaad samaysaa ficil. Tusaale fudud: haddii aad rabto inaad noqoto
heesaa caan ah, qaad talaabooyin dhab ah sida inaad la kulanto dadka
ku jira fanka, oo aad fahanto qaabka ay wax u sameeyaan.
Haddii aad maalin kasta saacado u hurto riyadaadaa, islam markaana
aad samayso shaqo kasta oo kaa caawinaysa inaad gaadho riyadaa,
maskaxdaadu waxay bilaabi doontaa inay si aad ah u rumaysato
riyadaada.
Imika haddii aad hesho dad kugu taageera oo kugu dhiirigaliya inaad
hore ugu socoto, isla markaana kuu sheega inaad gaadhi karto,
aaminsanaanta aad aaminsan tahay inaag gaadhi karto yoolkaagu wuu
sii xoogaysan doonaa.
Saacad walba oo aad kulumiso gaadhida hadafkaaga, maalin walba oo
aad ka shaqayso gaadhida riyadaadu, markasta oo aad ku tidhaahdo
naftaada inaad gaadhi karto riyooyinkaaga, mar walba oo aad maqasho
hadalo kuu sheegaya inaad gaadhi karto yoolkaagu, waxay sii xoojiyaan
inaad aaminto inaad gaadhi karto riyooyinkaaga. Markaad si adag u
17
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
rumaysato riyooyinkaagana ma jiro wax awood u yeelan doona inuu ku
joojiyaa.
Daji Hadafyo
Maadaamood soo ogaatay ujeedada aad nolosha ka leedahay, waxaad
dhab ahaan u rabto nolosha, isla markaana aad aaminsan tahay inay
suurtogal tahay inaad gaadhaa, waxaa la gaadhay waqtigaad ogaan
lahayd sida saxda ee dajiyo hadafyadaad gaadh isleedahay.
Muhiimada ay leedahay inaad Hadafyo dajisataa
In aanad wax hadafyo ah yeelani waa waxa ugu xun ee kugu dhici kara.
Dadka qaar ayaa ku dhagarooba naftooda oo isdila sababtuna waxay
tahay, magaranayaan waxay qabtaan nolosha, waxaanay dareemaan ku
fashilmeen nolosha.
Markaad hadafyo dajisato noloshaadu waxay noqota mid dhadhan leh,
tartan leh, oo farxad leh, dhacdooyin badana ay ka buuxaan oo ku
dhiirigalisa.
Koox dad ah oo cilmi baadhis lagu sameeyay ayaa waxa lagu ogaaday
in 3% dadkaa ka mid ahaa ay qorshe u yeelaan mustaqbalkooda ayna
dajiyeen hadafyo. Waxana la ogaaday in boqolkii saddexdaa dadka ahi
ay kaantarooleen nolosha 97% dadka ahaa een hadafyo dajisan sanado
kadib.
Tusaale ahaan, haddii qof kali ahi uu ku fikirayay inuu noqdo
hogaamiyaha gudaha waaxda uu ka shaqeeyo, xaga kuwa kale aanay
isku dhibayn inay noqdaan, qofkaasi wuxuu maamuli doonaa
noloshooda sanado kadib.
Haddii qofkaasi maareeyay inuu noqdo hogaamiyaha kooxdaa, wuxuu u
dajin doonaa dhamaan kooxdaa jadwalka shaqadooda, wuxuu go'aamin
18
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
doonaa saacadaha ay shaqaynayaan iyo tirada maalmaha ay
shaqaynayaan!!
Qofkaasi imika wuxuu kaantaroolayaa qayb weyn oo kamida
noloshoodii!! Tan waxaa lamida meelkastoo kale.boss-kaagu wuxuu
kaantaroolaa qayb kamid ah noloshaada, maamulaha meeshaad ka
shaqaysaa wuxuu qayb weyn oo kamida noloshaada, madaxweynaha
dalkaad joogtaa wuxuu saamayn ku leeyahay waxkasta oo noloshaada
ah.
Inaad hadafyo dajisataa waxay sababaab farxad
Dadka aan wax hadafyo ah lahayni waxay badanaa dareemaan in
noloshoodu tahay mid bilaa macni ah, sababtuna waxay tahay dadkaasi
ma dajistaan hadafyo iyo ujeedo ay u dagaalamaan nolosha.
Cilmi baadhis la sameeyay ayaa waxa lagu ogaaday in dadka leh
hadafyo isla markaana u dagaalama hadafyadoodu ay badanaa ka
farxad badan yihiin kuwa aan lahayn wax hadafyo ah.
Qofkasta oo inaga mid ahi wuxuu leeyahay baahiyo, taasina waa
sababta ay khalad u tahay inaad tidhaahdo wax hadaf ah malihi. Waan
ogahay in aanay imika maskaxdaada waxba ku jirin, balse taa
macnaheedu ma'aha inaanad wax baahiyo ah lahayn. Waa inaad
heshaa hab aad ku ogaato baahiyaaga intaa kadibna aad dajisaa
hadafyo aad ku fuliso.
Hadafyadaadu way ku dhiirigaliyaan
Qofkasta oo isku dayo inuu hadaf gaadhaa badanaa wuxuu la kulmaa
dhibaatooyin iyo carqalado ka hor istaaga hadafkiisa. Mid ka mid ah
waxyaabaha qofkasta ku dhiirigalin kara inuu sii wado gaadhida
hadafyadiisu marka uu la kulmo carqalad waa inuu inuu xasuusiyo
naftiisa sababtuu u bilaabay.
Markaad hadafyo dajisato waxaad haysan doontaa sababo aad u sii
wado udagaalamida hadafyadaada markay wax kugu adkaadaan. Inaad
hadafyo dajisataa kugu dhiirigalin mayso oo kaliya inaad bilawdo balse
sidoo kale waxay kugu dhiirigalin doontaa inaad ku sii socoto
hadafyadaada.
19
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
Sida Loo Dajiyo Hadafyadaada
Maadaamood ogaatay riyadaada iyo waxa aad rabto nolosha waxaa
muhiima inaad ogaato sida loo dajiyo hadafyadaada aad ku gaadhayso
waxa aad doonayso.
Dajinta hadafyadaadu waa inaad qorshe iyo aragti cad ka yeelato waxaa
aad rabto iyo halka aad doonayso inaad gaadho mustaqbalka.
Sharciyada iyo Tilmaamaha la raaco si aad u dajiso
hadafkaaga
Waxa jira sharciyo aad muhiim inaad raacdo markaad rabto inaad
dajiso hadafkaaga waxaanay yihiin :
1. Hadafkaagu waa inuu noqdaa mid aan fududay balse la
gaadhi karo:
Hadafkaagu ha noqdo mid si fudud aan loo gaadhi karin si aanad ugu
malayn inaad khiyaamayso naftaada, sidoo kale yaanu noqon mid aad u
adag si aanad ugu guuldaraysan inaad gaadho. Hadafkaagu waa inuu
noqdaa mid tartan leh si uu kuu dhiirigaliyo, isla mar ahaantaana aanu
noqon mid aan suurto gal ahayn si aanad u niyad jabin.
2. Hadafyadaadu Waa Inay Noqdaan Qaar Waqti Ku Xadidan
Si aad hadaf u dajiso waa inaad u yeeshaa waqti xadaysan.
Sababtoo ah adiga laftaada ayuu cimrigaagu xadaysan yahay,
lagama yaabo inaad noolaato boqolaal sano, noloshuna aad bay u
gaabantahay, haddii aanad u samayn waqti hadafyadaadana waxaa
dhici karta inaad noqoto qof aan dhiiranayn oo aan samayn wax
isbadal ah.
3. Hadafyadaadu waa inay noqdaan qaar qiyaas leh:
Kawaran haddaad tidhaahdo "Waxaan doonayaa inaan ku fiicnaado
computer-ka?" Maxaad ula jeedaa markaad leedahay inaan ku
fiicnaado? Waa inaad samaysataa hadafyo cad-cad sida inaad akhrido
40 mawduuc oo la xidhiidha cilmiga computer-ka inaad barato laba
luuqadood oo programming-ka ah, hadafyadaada waa inaad u kala
qaybisaa saddex qaybood oo kala ah hadafyada waqtiga dhaw, hadafyo
20
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
waqti dhexe ah iyo hadafyo waqti dheer ah. Haddafyada waqtiga dhawi
waa inay noqdaan qaar aad u gaar ah. Tusaale ahaan haddii
hadafkaaga waqtiga dheeri uu ahaa inaad noqoto safiir, hadafyadaada
waqti dhexe waa inay noqdaan inaad barrato saddex luuqadood,
hadafyadaada waqtiga dhawna uu noqdo inaad xariif ku noqoto luuqada
ingiriisiga sanadkan gudihiisa. Haddii hadafyadaadu noqdaan qaar aan
qiyaas lahayn si fiican u gudan maysid hawshaada waxaana laga
yaabaa inaad dareento inaad khasaartay. inaad dajisato hadafyo qiyaas
lihi waxay kaa caawin karaan inaad gaadho yoolkaaga.
Hadafkaagu Ha Noqdo Mid isbad-badal leh
Tusaale ahaan hadafka ah "inay ku soo galaan mushahar ah 10,000
dollar bishiiba" wuxuu aad uga isbadal badan yahay hadafka ah "
waxaan ka shaqayn doonaa qaybta suuq gaynta Dahabshiil, waxaanan
qaadan doonaa mushahar ah 10,000 oo dollar bishiiba". Hadafkaagu
waa inuu noqdaa mid diirada waxa aad rabto balse aanu noqon mid
diirada saara sida aad u qabanayso. Haddii aad rabto inaad bishii hesho
100,000 dollar waa inaanad ku xadidin inaad ku hesho shaqada suuq
gaynta ah oo kaliya! Waxaa jira boqolaal hab oo aad ku gaadhi karto
hadafkaa. Isbad-badalku waa awooda aad ku gaadhayso hadafkaaga
ugu dambeeya adoo isticmaalaya hab alaale habkaad ku gaadhi karto,
oo aan isku soo xidhayn hab kaliya oo aanad hubin xataa inuu kuu
shaqayn doono.
4. Daji hadafyo Waqti Dheer Ah
Waxa la ogaaday in dadka dajiya hadafyadooda waqtiga dheer ay guul
ka gaadhaan hadafyadooda xagga dadka dajiya hadafyada waqtiga
gaabani ay ku dhamaystaan wareer, niyad jab iyo murugo. Inaad dajiso
hadafyo waqti dheer aad ku gaadhi kartaa waxay kordhin karaan
fursadaha aad ku gaadhayso hadafkaaga, xataa haddii aanad haysan
resources aad ku bilawdo sida waqti iyo lacag.
21
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
Ficil Samee
Adduunkan aad joogto laguguma siiyo wax waxaad taqaano, waxaa wax
lagugu siiyaa waxaad qabato waxaa jirta aragti laysku raacay oo tidhaa
"Universe rewards action".
Markaad xarakaad samayso waxaad kicisaa dhamaan waxyaabihii kuu
horseedi lahaa inaad guul gaadho, dadka kugu xeerani waxay ogaadaan
saad ugu jeelantahay hadafkaaga, waxaanay kugu soo jeediyaan
dareenkooda, dadka isku hadafka iyo yoolka tihiin waxay bilaabaan inay
kugu soo xidhmaan, waxaad bilawdaa inaad wax ka barato khibradaada,
waxyaabahaasi oon laga baran karin dad aad dhagaysato iyo buug aad
akhrido toona.
Adigoo la kaashanaya khibradaada waxaad barataa sida saxda ah
uguna dhakhsaha badan ee wax loo qabto, dhamaan waxyaabihii kuugu
muuqanayay adayga, kakanaanta iyo jahawareerku waxay noqdaan wax
aad u fudud oo waadax ah.
Waxaad bilawdaa inaad soo jiidato dad ku taageera islamarkaana ku
dhiirigaliya markaad samayso ficil iyo dhaqdhaqaaq.
Shayga kaliya ee kala saara dadka guulaysta iyo kuwa aan guulaysani
waa ficilka iyo dhaqdhaqaaqa. Si aad u noqoto qof guulaysta samee
22
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
waxa dadka guusha gaadhaan sameeyaan kaasi oo inaad samayso ficil
iyo dhaqdhaqaaq si aad u gaadho natiijooyinka aad rabto.
Waxba kuuma Qabsoomayaan ilaa aad ficil samayso
Fikraduhu waxay badali karaan aduunka, balse fikradaha,
diyaargarawga iyo xataa caqli badnaantu waa bilaa faa'ido haddii aanad
ficil samayn. Sababtoo ah ficilka iyo dhaqdhaqaaqu waa talaabada uu
ka bilaabmo dhamaan horumarku.
Dadka badankoodu waxay ku fashilmaan inay ficil sameeyaan sababtoo
ah waxay ka baqaan in guuldaraystaa. Dhinaca kale dadka guusha
gaadhaa waxay ogaadeen in guuldaradu tahay qayb aad u muhiim ah
oo aad waxbadan ka baran karto intaad ku jirto hayaanka aad ku rabto
inaad hesho waxa aad rabto nolosha. Waxay ogaadeen in guuldaradu
tahay hab aynu wax ku baran karno inagoo qalad samaynayna kuna celcelinayna
ilaa inta aynu si sax u qabanayno. Si aan nolosha guul u
gaadhno uma baahnin oo kaliya inaynu joojino ka cabsashada
guuldarada balse sidoo kale waxaynu u baahanayn inaynu rajayno
inaynu marar badan guuldaraysan doono –xataa aynu u jeelanaano
inaynu guuldaraysano. Guuldarayso oo guuldaradaadu ha noqoto mid
aad wax ka barato balse yaanay noqon mid ku niyad jabisa oo ku
joojisa. Ku dhaqaaq inaad hawl qabato, qaladaad samee, wax ka barro
qaladaad-kaad samaysay, sax qaladaadkaa horana u soco ilaa aad ka
gaadhaysid hadafkaaga iyo yoolkaaga.
Wadada guusha
Haddii aad tahay qof hanwayn oo aad leedahay hadafyo iyo riyooyin
waawayn oo aanad wali gaadhin waxa laga yaabaa inaad ogaatay
adayga iyo dhibta taala wadada guusha isla mar ahaantaana aad
xaqiiqsatay inay ka duwantahay sidii aad u malaynaysay.
Waxa laga yaabaa inaad xaqiiqsatay in xumada iyo xanuunka aad kala
kulantay ay ahaayeen waxaan loo dul qaadan karin, noloshuna ay aad
23
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
uga qadhaadhaatay sidii ay ahayd.Haddii dhibtani ku haleeshay uma
baahnid inaad warwarto, waxa kaliya eed ubaahantahay baa ah inaad
waxbadan ka ogaato dabeecadaha wadada aad doonayso inaad marto
si aanad ula yaabin waxyaabaha aad kala kulmayso ama aad ku
waajahayo wadada aad doonayso inaad ku guulaysato.
Waxaan bilawnaa socdaalkeena inagoo dhinaca fiican wax ka
eegayna
Ka hor inta aynaan bilaabin inaynu udagaalano hadafyadeena waxaynu
badanaa ka fikirnaa dhinaca fiican, sababtuna waa inagoon wali la
kulmin wax caqabado ah amase aan fikir ka haysan dhinacyada xun xun
ee guusha.
Badanaa inaynu dhinaca fiican wax ka eegnaa waa waxa ina siiya
tamarta aynu u baahanahay si aynu u bilawno dhaqaaqeena ku
waajahan hadafkeena. Dhibaataduna waxay tahay in aynu tamartaas
lumino marka wax aynaan filaynini dhacaan, sidaa darteedna aynu
lumino dhiiranaanteena ama niyadjabno kadibna aynu halkaa ku joojino
iskudaygeenii.
Haddii aad doonayso inaad si guul leh ugaadho dhamaadka socdaalka
hadafkaaga waa inaad ka warhaysaa qiimaha aad doonayso inaad ku
bixiso si aad u gaadho hiigsigaaga iyo himiladaada.
Qiimaha guusha
Dadka guulaystay ee aad maalin walba aragtaa kumay dhalan iyagoo
sidaas ah. Waxa laga yaabaa inaad istidhi in dadkaasi aanay waligood
arag dhibaato balse xaqiiqdu waxay tahay inaanu qofna gaadhin guul
illaa oo uu la kulmay caqabado badan.
Midkasta oo maareeya inuu kasoo gudbo caqabadaasina wuu
guulaystaa isagoo xaqiijinaya himiladiisa.
Waa kuwan tusaaleyaal ka mid ah caqabadahaasi:
Diidmo:Dadka inta ugu badan ee guulaysatay waxaa la diiday marar
badan ka hor inta aanay soo gaadhin heerka ay ku suganyihiin. Hadii
aad doonayso inaad guulaysato diidmadu haka mid noqoto caqabadaha
aad ku xisaabtamayso. Waa arin darro haddii aad ka xumaato in lagu
diiddo, sababtoo ah adduunkan aad arkayso fikir kastoo fiican waxaa
fudud in si dhibyar loo qaadaco.
24
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
Niyadjab:Dadka hamiga sare lihi waa dadka unugul inay niyad jabaan
mudada ay ku jiraan socdaalka guushooda. Haddii aad tahay qof
hanwayn waxaa laga yaabaa inaad rajaynaysay inka badan inta aad
helayso sidaa darteedna aad niyad jabto, waa inaanad u ogolaan in
niyad jabku carqalad kunoqdo horumarkaaga. Kasoo qaad inuu yahay
carqaladaha kaa hor imanaya inta aanad gaadhin guusha.
Warwar iyo walaac:Ma guulaysan kartid adoon waajihin warwar .Haddii
aad doonayso inaad ku guulaysato hadafkaaga waa inaad waajahdaa
warwar badan inta aad ku jirto socdaalkaaga. Barro sida loo maareeyo
warwarka horana u soco.
Iyo qaarkaloo badan:Cadhada, xumada, muragada iyo calool xumadda
dhamaan dareemadaa xuni waa kuwa aad ku waajahayso ama aad kula
kulmayso wadada guusha.
Maxaad waxan oo dhan iigu sheegaysaa
Kuuguma sheegayo dhamaan waxyaabahan inaan ku niyad jabiyo ama
ku dareensiiyo dareen xun laakiin waxaan kuugu sheegayaa si aad
naftaada ugu diyaariso waxyaabaha aad waajahayso.
Wadada lagu guulaysto kama buuxaan ubaxyo, laakiin ugu dambayn
marka aad gaadho halka aad doonaysay aanad ogaato inaad gaadhay
hadafkaagii, dhamaan waqtiyadii xumxumaa ee ku soo maray waxay
isku badali xusuuso fiican.
Waxaad odhan doontaa "waxaan waajahay warwar iyo walaac, xumad,
cadho, caloolxumo murugo iyo niyadjab balse waxaan ku guulaystay
inaan ka soo gudbo dhamaantood waxaanan helay waxaan doonayay
waanan ku faraxsanahay".
Ka Gudub Cabsida
Mid ka mid ah waxyaabaha ugu badan ee ka hor istaaga dadka inay
guul ka gaadhaan noloshu waa cabsida ay ka qabaan inay ku
guuldaraystaan waxaa ay rabaan inay gaadhaan.
25
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
Bal waxaad ka fikirtaa, haddii aad isku day badan samayso si aad u
guulaysato iyo haddii aanad wax isku day ahba samayn sababtoo ah
waxaad ka baqanaysaa inaad guuldaraysato, maxaad umalaynaysaa in
natiijadaa heli doontaa noqonayso?
Jawaabta su'aashani uma baahna inuu qof caqli badani ka jawaabo,
sababtoo ah qofkastaa wuxuu ogyahay in haddii aanad wax isku day ah
samayn aanad wax natiijo ah helayn islamarkaana aad si buuxdu
uguuldaraysan doonto.
Inaad ka cabsato guuldaradu kaa joojin mayso oo kaliya inaad guul
gaadho balse sidoo kale waxay kugu qasbi doontaa inaad joogto uun
halkaad maanta joogto xaga dadkii kugu hareeraysnaana ay guulo ka
gaadhi doonaan nolosha. Natiijaduna ay noqon doonto inaad is aragto
adoo laynka xagiisa dambe haysta xaga dhamaan dadkii ku dhaafeen.
Haddii aad u jeelan tahay inaad guul gaadho islamarkaana ay kaa go'an
tahay inaad ka dhabayso hadafyadaada waa inaad imika bilawdaa sidii
aad ula tacaali lahad ka cabsashada guuldarada.
Maxaa Sababa Ka Cabsashada Guuldarada
Maxay dadka qaar uga baqaan inay khataro waajahaan? Maxayse
dadka qaar ugu dhiiradaan inay ka gudbaan khatarta oo ay isku dayaan
xataa haday ku guuldaraystaan inay ka gudbaan.
Ka cabsashada guuldaradu waxay la mid tahay dhamaan cabsiyaha
kale ee nolosha, waa dareen ay dhaliso qayb kamid ah maskaxdaada
oo loo yaqaano (Subsconscious mind) si ay kaaga difaacdo
dhibaatooyinka.
Dadka qaar ayaan adkaysi badan u lahayn inay guuldaraystaan
islamarkaana ka cabsada guuldarada xaga dadka qaarna ay dulqaad iyo
adkaysi badan u leeyihiin guuldara. Sababta ka dambaysa in qofku aanu
dulqaad u yeelan inuu guuldaraystaana badanaa waa mid ka mid ah
waxyaabahan soo socda.
Qofkoon Fahansanayn Qaabka Guushu u shaqayso: Thomas
Edison waa ninkii sameeyay laambada aynu maanta shidano
waxaanu guuldaraystay 1000 jeer ka hor intii aanu hindisin
26
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
laambadaa yar ee aynu iftiinsano. John creasy waa nin qoray 500
oo buug, waxaana la diiday in fikirkiisa iyo qoraanimadiisa in ka
badan 300 oo jeer. Bill gates waa ninka hindisay programada ay
ku shaqeeyaan kombuterku, fikradiisana waxaa la diiday marar
badan. Waxa jira boqolaal tusaale oo kan la mid ah meelkasta
dhamaantoodna waxay xambaarsan yihiin hal fariin oo kaliya
waxaanay tahay, haddii aad rabto inaad guulaysato waa inaad
guuldaraystaa waxoogaa bilawga hore.
Adoon u dulqaadan karin dareenada aad la kulanto: dadka
qaar ayay cabsidooda ugu wacan tahay iyagoo ka baqanaya
dareenada ay la kulmaan markay cabsida waajahayaan.
Dareenadani waxay noqon karaan xishood, Eed ama dambi galid
iyo dareeno kale oo ay waajahaan markay guuldaraystaan. Haddii
aad rabto inaad guul gaadho wa inaad aqoon badan u yeelataa
dareenadan iyo sida loola tacaalo, haddii saa samaysana ka
cabsashadaada guuldaradu way qarsoomi doontaa.
Ka cabsashada inaad qaladaad samayo: Dadka qaar ayaa ka
baqa inay qaladaad sameeyaan ilaa ay gaadhaan heer ay
joojiyaan inay wax isku day ah sameeyaan oo ay ka baqaanba
inay dadka kale hortooda qalad ku sameeyaan. Haddii adiga
xaalkaagu kan yahay dhibaatada cabsidaada waxaa sabab u ah
kalsooni la'aan ku haysata. Adigoo baranaya sida loo aqbalo
qaladaadka iyo adigoo kalsoonidaad dhisaaba waxay kaa caawin
doonaan inaad ka meesha ka saarto inaad ka cabsato guuldarada.
Sida Loola Tacaalo Ka Cabsashada Guuldarada
Qodobadan soo socdaa waa kuwo si heersare ah kaaga caawin doona
inaad ka gudubto ka cabsahada guuldarada
Ka Eeg Angle Ka Duwan Angle Aad Hada Ka Eegayso: habka
noocan ahi waxay kaa caawin doontaa inaad u eegto xaalada
dhinac aad uga uga togan (positive) aragtida aad imika ka
haysato. Hal hab oo aad si togan ugu eegi karto guuldaradu waa
inaad u tixgaliso inay jawaab celin (feedback). Haddii uu albaabku
kuugu furmi waayay inaad furaha cas, tan macnaheedu maaha
inaand albaabka la furi karin, macnaheedu wuxuu yahay inaad
isku daydo inaad ku furto furaha huruuda ah xagii aad ka ag ooyi
27
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
lahayd albaabka agtiisa. Guuldaradu waxay tahay oo kaliya fariin
kuu sheegaysa inaad waxaa iskugu daydo hab ka duwan habkii
hore mana aha wax ka badan intaa.
Qaad Khataro Xisaabsan: haddii aad ceel ama god biyo ku jiraan
tijaabinayso ma'aha inaad labada lugoodba la gasho si aad u
tijaabiso dhererka ceelkaa, balse waa inaad ku daydaa cag kaliya.
Dad qaar ayaa qaada ama sameeya khataro iyagoon marka hore
wax xisaabtan ah samaynayn markay waxkasta ka burburaana
waxay ka baqaan inay isku day dambe sameeyaan. Marka hore ka
fikir natiijada ugu xun ee aad kala kulmi doonto arintan una diyaar
garaw sidii aad ula tacaali lahayd.
Badal Fikirkaaga ku aadan guuldarada: qofkasta oo aad
taqaano oo nolosha guul ka gaadhay waxay doontaba ha ahaatee
wuxuu guuldaraystay marar badan, ka hor intii aanu gaadhin
heerkaa. Waxaad waydiisaa qofkasta oo guul gaadhay sida uu u
guulaystay waxaad ogaan doontaa in faraqa kaliya ee u dhaxeeya
dadka guulaysta iyo kuwa guuldaraystaa yahay in dadka
guulaystaa sii wadaan isku daygooda xataa haday guuldaraystaan
marar badan.
Erayada Ugu dambeeya een aan ka leeyahay ka cabsashada
guuldarada
Qodobka ugu muhiimsan ee aan ku leeyahay wuxuu yahay, haddii aad
danaynayso inaad guul gaadho waa inaad waajahdaa cabsiyahaaga,
haddii aad rabto inaad sii joogto halka aad maanta joogtana waxba
haysku dhibin inaad waajahdo cabsiyahaaga waxaanan kuu balan
qaadayaa inaad halkaas uun joogi doonto.
28
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
Barro Sida Loola
Tacaalo Diidmada
Maxay Dadku U Diidaan Fikradahayga iyo Codsiyadayda
Aduunkan aynu ku noolnahay wa meel aad u cajiib ah. Fikrado aad u
cajiib ah ayaa la diidaa lana cadaadiyaa si aanay u noqon qaar
guulaysta ka hor inta aanay hirgalin. Arintani waxay ay ku dhacday
computer-ka aad hada isticmaalayso.
Qof aad u cajiiba ayaa la diidi karaa marar badan, qofkaas oo marka
dambe u cadeeya dadkii diiday inay khaldanaayeen.
Dadka badankoodu hore wax uma rumaystaan ka hor inta aanay arag
natiijada.
Ka soo qaad inaad hayso fikrad ganacsi oo aad u cajiib ah, inta ugu
badan dadku hoos ayay kuu dhigi doonaan illaa ay ka arkaan adoo
guulaystay.
Qaar badan oo kamida shirkadaha aad maanta taqaano hore ayaa loo
cadaadiyay loona diiday ka hor intii aanay soo shaac bixin sida: Apple,
KFC, Disney, Honda. Dhamaan shirkadahani may noqdeen qaar caan
ah haddii dadkii ka dambeeyay aanay u dhabar adaygin adkaysina u
yeelan diidmooyinkii ay la kulmeen.
29
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
Waydii qofkasta oo guul gaadhay sida uu ku guulaystay, waxaad ogaan
in qofkastaa maray wadooyin adag lana kulmay diidmooyin badan.
Qofka guulaystay wuxuu afkiisa kaa odhan doonaa: Markii aan bilaabay
waxaan la kulmay diidmo farabadan umana joojin ee waan sii waday
iskudaygayga qofna ima rumaysan, waxaan go'aansaday inaan isku
qasbo oo aan ku dhaqaaqo waxaan doonayo aanan dadaal ku bixiyo
waxaan rumaysanahay, ugu dambeyna waxaan u cadeeyay dadku inay
khaldanaayeen.
Marka Uu Qof Kastaaba Diido Fikradahaaga
Mararka qaar waxa laga yaabaa inaad aragto in qofkasta oo ku ag
joogaaba uu lidi kugu yahay, ma aragta dadka oo ku diidaya, diidaya
fikradahaaga, hoos kuu dhigaya, ku liidaya ama xataa su'aalba ka
keenaya riyooyinkaaga.
Waa maxay waqtigan adag ee kadeedani. Waxa laga yaabaa inaad ka
shakido oo aad su'aal ka keento awoodahaaga iyo riyooyinkaaga.
Riyooyinkii aad rumaysnayd iyo kuwii aad marar badan u
dagaalantayba. Waxa laga yaabaa inaad murugootaba, waxa suurto gal
ah inaad joojiso inaad wax iskuday ah samayso ama xataa aad
bilawdaba inaad waqti kasta adigu tahay ka qaldan intaa kadibna aad
rajo dhigto.
Tijaabada weyn
Waqtigan waxaa loogu yeedhaa waqtiga tijaabada weyn. Waa waqtiga
aad bilawdo inaad tijaabiso xoganaanta waxyaabaha aad
rumaysantahay. Waa waqtiga aad bilawdo inaad go'aansato inaad u
qalanto inaad guulaysato iyo inaanad u qalmin, iyo in fikradaha dadka
kale sax yihiin.
Waa waqtiga go'aanadaadu laga yaabo inay sii burburiyaan
kalsoonidaada ama hurdada ka kiciyaan ruuxdaada tartanka iyo
dagaalka. Waa waqtiga aad go'aansan karto inaad sii wado korna u
hayso riyooyinkaaga ilaa inta aad awood uleedahay inaad karto ama
waa waqtiga aad iloobi doonto aanad rajo dhigi doonto.
30
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
Kaligaa Maaha
Ha umalayn inaad tahay qofka kaliya ee waajahay xaaladan. Gabi
ahaan qofkastaaba hore ayuu u waajahay diidmooyinka intuu noolaa
balse nasiib daro dadka qaar ayaa la khiyaameeyay.
Waxay u maleeyeen in dhibaatadu tahay mid xagooda ka taagan intaa
kadibna waxay ka rajo dhigeen riyooyinkoodii. Qayb yar oo kamid ah
ayaa hore uwaday ilaa ay ka gaadheen dhamaadka qaybtaa yarina
waxay ogaadeen in go'aankoodu ahaa mid sax ah.
Sida loo guulaysto aduunkan aad arkayso
Waqtiga xigga ee qof ku diido ama uu kuu sheego inaanad waxba
qaban karin ogow inaad qaaday talaabadii ugu horeysay ee guushaada
Hore ugu soco hiigsigaaga hana ka daalin inaad adkaysi u yeelato
diidmada dadku kaala hor imanayaan, maalin maalmaha kamidana
waxaad xaqiiqsan doontaa adoo gacmahaaga ku haya guushaad
doonaysay inaad gaadho .
Haddaan si kale u dhigo, diidmadu waa talaabada ugu horeysa ee aad u
qaadayso dhinaca guusha!
dadka badankoodu kuma guulaystaan waxay doonayaan sababtoo
waxay joojiyaan hiigsigooda isla marka ay la kulmaan diidmada.
31
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
Noqo Qof Adkaysi
Leh
32
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
Waa maxay adkaysigu?
Adkaysigu waa inaanad waxba u ogolaan inay kaa hor istaagaan
waxaad doonayso inaad qabato marka aad bilawday illaa waxaasi
noqdo wax aad u adag oo aan la mari karin.
Waxaan dareemaa niyad jab markaan arko qof Illaahay maskax iyo
kartiba ku manaystay oo joojinaya hawl aad ugu muhiim ahayd
noloshiisa oo uu bilaabay todobaato ka hor kadib markuu arkay inay hor
taagan yihiin caqabado aad u yaryari.
Haddii adkaysigaagu noqdo mid ku kooban dhawr cisho waxaa hubaal
ah inay aad kuugu adkaanayso xaqiijinta hadafka aad ku hayso
maskaxdaada.
Haddii aad noqoto qof adkaysi leh waxaad kordhisan kartaa waxyaabo
badan oo ku anfacaya aduun iyo aakhiraba, waxaad baran kartaa cilmi
ku anfaca noloshaada inta ka hadhay. Sidoo kale waxaad ku guulaysan
doontaa inaad noqoto qof xaqiijiya hiigsigiisa iyo himiladiisa.
Ha sugin inay wax isbadalaan
Haddii aanad ku faraxsanayn nolosha aad ku nooshahay iyo duruufaha
kugu xeeran. Badal dhamaan waxyaabaha aanad ku faraxsanayn, halka
aad ka sugi lahayd inta ay duruufuhu isbadalayaan.
Noloshu waa sida hadhkaa labadiisa galin, waxaad waajihi doontaa
waxyaabo badan oo kugu qasba inaad joojiso hawsha aad haysid,
laakiinse haddii aad noqoto qof unugul wajiyada kala gadisan ee
nolosha, oo aanad noqon mid adkaysi ku filan u leh, waligaa gaadhi
maysid hadafkaaga.
Noqo mid ka horyimaada hiyikacaaga iyo caqabadaha ku soo waajaha
halka aad ka sugaysid inay kaa leexiyaan wadada aad ku socoto.
Adkaysigu maaha haddiyad balse waa xirfad la kasbado si fudud
ayaanad ugu tababari kartaa naftaada, waxkastood samaysaa waxay
saamayn toos ah ku yeeshaan dabeecadahaaga. Waxkastood naftaada
ku tabobartaana waxay noqdaan qayb kamid ah dabeecadahaaga.
Adkaysiga iyo isbad-badalka
33
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
Dadka qaar waxay u maleeyaan in adkaysigu yahay inaad wado kaliya
umarto waxaad doonayso kuna celceliso wadadaa ilaa aad ka
guulaysanaysid, taasina gabi ahaanba waa qalad! Haddii hab kuu
shaqayn waayo waa inaad raadisaa habkale adigoon ka leexanayn
hadafkaagii.
Sida loo adkaysto
Si aan u soo koobno qodobadani waa kuwa kaa caawinaya inaad
adkaysi yeelato:
Sii wad xataa haddaad dareento inaad joojinayso: Haddaan si kale u
dhigno ha u joojin hiyikacaaga.
Sawiro hadafkaaga: Haddii aanad sawiran karin qiimaha ay leedahay
hawshan aad wadaa ku dhiiran maysid inaad sii wado.
Ha dhayalsan hawlaha yaryar: Noqo mid adkaysi uleh inuu qabto
hawlaha yaryar, tani waxay aad kaaga caawin doontaa inaad adkaysi u
yeelato marka aad waajahdo xaaladaha ad-adag.
Isbad-badal yeelo: Ha noqon mid ku dhaygaga halwado oo kaliya raadi
wadooyin kale oo aad ku guulaysan karto.
Isku kalsoonow: Dadka adkaysiga lihi waa dadka ku kalsoon inay
hadafkooda maalin uun gaadhi doonaan. Haddaanad kalsooni ka
haysan awoodaada ku guulaysan maysid inaad noqoto qof adkaysi leh.
Adkaysigu waa furaha lagu helo waxaad doonayso
Waligaa ma waydiisay naftaada su'aalahan oo kale "maxay waxba
kuugu qabsoomi waayaan""maxaan u guulaysan waayay xagga dadka
kale ka guulaystaan""maxay dadka qaar u gaadhaan hadafkooda iyo
hiigsigooda xagga kuwo kale ka guuldaraystaan".
Waxaan filayaa inaad hore isku waydiisay su'aalahan.Wali ma
go'aansatay oo ma u kacday inaad qabato hawl balse markaad
dhawrjeer iskudayday ma go'aansatay oo ma istidhi inay hawshu aad
kuugu adagtahay?
34
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
Waxa laga yaabaa inaad istidhi ma lihid cilmigii iyo aqoontii loo baahnaa
si aad u fuliso hawshan. intaa kadibna aad samaysay waxa dadka
badankoodu sameeyaan oo ah inay ka cawdaan nasiib xumadooda,
dhaqaale xumadooda iyo dhamaan waxyaabaha ku xeeran ee
saameeya noloshooda.
Guushaadu waxay ku xidhantahay tirada isku daygaaga
Dadka guusha gaadhay waxay inoo cadeeyeen in qofkastaa gaadhi karo
helina karo waxa uu doonayo ayna ku xidhantahay sida adag ee uu
iskugu dayo. Laakiin intee in leeg oo adayga ayaa loo baahan yahay?
Ila eeg tusaalahan. Waxaad doonaysaa inaad barato sida loo kaxeeyo
baaskiil, si aad u barato waxaa loo baahanyahay inaad dhacdo oo aad
ku guuldaraysato 100 jeer. ka soo qaad inaad isku dayday shan iyo
todobaatan jeer. Waxa laga yaabaa inaad joojiso oo aad ku qanciso
naftaada inaad ku guuldaraysatay inaad kaxayso sababtoo ah waxaad
dhacday 75 jeer. Laakiin haddaad ogaan lahayd xaqiiqda ah inay kaa
xigaan inaad kaxayso baaskiishaa 25 jeer oo kali ahi maad joojiseen.
Dabcan ma jirto tiro cayiman oo la ogyahay inaad isku daydo hawl kasta
oo aad qabanayso sababtoo ah tirada loo baahanyahay waxay ku
xidhantahay xirfaddahaaga.
Miyay kugu adkaatay inaad rumaysato
Haddii aanad arintan ku qancin kasoco oo akhri tusaalayaashan hoos ku
qoran:
Ninkii hindisay laambada aynu shidano oo la odhan jiray Thomas Edison
wuxuu guuldaraystay sagaal boqol iyo sagaal iyo sagaashan jeer (999
jeer) ka hor intaanu ku guulaysan inuu hindiso laambada markii
kumaad!!! markii la waydiiyay sida uu u awooday inuu sii wado
iskudaygiisa maadaamuu guuldaraystay tirada intaa leeg, wuxuu yidhi:"
Markasta oo hab iishaqayn waayo maan odhanayn waan guuldaraystay,
waxaan odhanayay oo qudha waxaan odhanayay oo qudha waxaan
ogaaday hab kale oo aan lagu samayn Karin laambada".
Hore waxaa loogu malayn jiray in bili'aadanku aanu ordi karin 1 mile inka
yar afar daqiiqo.Arintaa waxa la aaminsanaa mudo sanado ah, qofna
waligii kumuu dhicin inuu shaki galiyo saxsanaanta arintaas. Kadib ninkii
la odhan jiray Roger Banistor ayaa cadeeyay in aanay tani sax ahayn
35
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
isagoo rooray 1mile in ka yar 4 daqiiqo. Intaa kadib isla sanadkii 37
orodyahan oo kale ayaa jabiyay record-kaa markii dambana boqolaal
ayaa soo raacay.
Arinta xiisaha lihi waxay tahay, in haddii mid kamid ah orodyahanadaasi
uu si adag iskugu dayi lahaa ka hor Rogger Banister uu samayn kari
lahaa. Balse waxay aamineen inaanay suurto gal ahayn, sababtoo ah
waxay u malaynayeen in marnaba isku dayga arintani aanay midhodhal
ahayn.
Tusaale kale: Ninkii la odhanjiray Walt Disney ee lahaa fikrada filin
kartoonka layidhaa "Micky Mouse" waxaa la diiday fikradiisa in kabadan
shan jeer balse muu quusan ugu dambayn waxa uu helay qof ka
taageeray fikirkiisa, intaa kadib fikradiisii waxay noqotay wax dunida ka
caan ah wuxuuna u cadeeyay kuwii diidanaa inay khaldanaayeen.
Ninkii hantiilaha ahaa ee la odhan jiray Henry Ford wuxuu khasaaray
hantidiisa oo uu farro madhnaan ka istaagay tiraba lix jeer,waqti kastana
wuxuu ku guulaysanayay inuu hantidiisa dib u ururiyo isagoon quusan
oon rajo dhigin.
Ma waxaad umalaynaysaa inay inaga duwanaayeen
Haddaad u malaynayso in arintani ku dhacday oo kaliya dadkaa. aad
baad u khaldantahay, sababtoo ah adiga laftarkaaga ayay arintani marar
badan kugu dhacday!
Aan ku siiyo tusaale: Markii aad ilmaha yar ahayd ee aad baranaysay
sida loo socdo, imisa jeer ayaad kuftay? imisa jeer ayaad isku dayday
inaad kacdo balse aad awoodi wayday.
Maxaad u quusan wayday markaad ilmaha yar ahayd? Maxaad u waday
isku daygaaga ilaa aad ka guulaysatay? sababtoo ah waqtigaa maad
baran sida loo quusto ama sida loogu eedeeyo duruufaha waxkastood
ku guuldaraysato inaad gaadho nolosha.
Carruurta ayaa inoogu filan tilmaan.Aan ku siiyo tusaale kale oo
waaqacan taagan.
Markaad bilawday inaad barato sida gaadhiga loo kaxeeyo, imisa jeer
ayaad ku guuldaraysatay inaad gaadhiga hore u kaxayso?
ama imisa jeer ayuu gaadhigu si lama filaan ah u istaagay adoo wada?
36
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
ma xasuusataa dadkii kugu qaylinayay sababtoo ah waxaad gaadhiga
ku xanibaysay wadada dhexdeeda.
Arintani sidoo kale waa arin inagu wada dhacday, su'aasha iswaydiinta
mudana waxay tahay maxaad iskugu dayaysay intaasoo dhan ilaa aad
noqotay qof kaxayn kara gaadhiga isagoo mobilkiisa ku hadlaya amase
wax cunaya?
Jawaabtu waxay tahay inaad aragtay in qof kastaa ku guulaysto inuu
gaadhiga kaxeeyo, waxaanad rumaysatay inay suuro gal tahay inaad
adna samayso.
Sidaa darteed waxaad ogayd inaad qaban karayso hawshaa kamanaad
quusan illaa aad baratay sida loo kaxeeyo.
Laakiin arinta layaabka lihi waxay tahay in kaxaynta gaadhigu ay tahay
waxyaabaha ugu adag ee qof barran karo.
Ma ogtahay inaad udhaqaajinayso labadaada lugood iyo labadaada
gacmoodba jihooyin kala duwan isla markaliya! afartaada adin ayaad
dhaqaajinaysaa isla marqudha adigoo u dhaqaajinaya jihooyin kala
duwan. Intaa waxa dheer in maskaxdaada aad u isticmaalayso inay
xoogga saarto ayna samayso xisaabo, qiyaaso iyo waliba go'aano.
Adkaysigu waa furaha lagu helo waxaad doonayso
Gunta iyo gabagabadu waxay tahay in mid ka mid ah sharciyada
nolosha ee uu Illaahay(sw) abuuray uu yahay, in haddii aad wado
iskudaygaaga aad gaadhayso waxaad doonayso wuxuu doonaba ha
ahaadee.
Dadka aan nolosha waxba ku guulaysan maaha dadka aan haysan
amase lahayn wixii u saamixi lahaa inay gaadhaan ujeedkooda, balse
waa dadka hore u quusta!!
Dadkaasi waa sida nin beer qotay, kaasi oo beeray midhihii, ka
shaqeeyay oo waraabiyay mudo badan,sugay oo sugay waxoogaa
laakiinse aan wax natiijo ah helin, dabeeto iskaga tagay saacado
kadibna beertii ay soo baxday, laakiin nasiib daro may helin qof daryeela
wayna dhimatay. "Ma qaban karo" xaqiiq maaha, waa go'aankaaga.
Waligaa ha quusan xataa hadaad guul daraysato 1000 jeer.
37
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
Waxa Qoray: Cabdirasaq Faarax Cawad.
Xuquuqda buugan waxa iska leh qoraaga buuga. Buugan lama
koobiyaysan karo, waxba lagama badali karo dibna looma soo saari
karo. Wixii faahfaahin kala xidhiidh qoraaga buuga Cabdirisaaq Faarax
Cawad.
38
Wax Ka Barro Channel
By: Cabdirisaq Faarax Cawad
Xuquuqda Buugu dhawran.
الاشتراك في:
تعليقات الرسالة (Atom)