.

Gabaygii aakhiro

Gabay inan tiriyo hankayga iyo himildayda mu ahayne
Goortan arkay fudedsiga Gabay ban (g) ku bilabaye 
Geed hadhkii weeye addunyado  wana Lagu gaafanyahaye
Geerida wa inaad sugtaa Galab Hadad nabad ku gadhee
Gobonimo waxa iskaleh ninkii udiyargarooba godka aakhiree
Garabsadana cibaadada  Iyo  Rabi udhawanshihiisa
Gabaabsiweeye waqtigu  wana Wada ogsonahaye  
Garad nin leh wuxuu garanaya wixii loo addoonsadaye
Go,aan waa Inuu u qataa lasimida cibaadada ribigeeye
Geesimaaha niman aqoon u lahayn rabigii abuuraye
Geesimaaha niman tukan shanta salaadoodde
Geela niman sakadaa kabixinbaa  lugu ciqaabaye 
Garashada rabi Iyo rasuulkiisu wajibbay inagu tahaye
Goodiba uyaal addoonkii garan waaya su aalaha qabrigee
Gaalkuna inanu garanayn wa Wada ogsonahaye
Gelitaanka naartuna wa ugantahay hadanu rabi u dhafine
Godka ugu hooseeyana waxaa uhoyanaya munafiqee 
Galnimoo qarsaday intuu islaha hooji muslimiintee
Galintanka jannaduna way ugu,antahy muminkee 
Gaadhaha darajada sarena wa ninkii shaqaystee
Guga markaytahay waa ninkii sadaqada baxsadee
Gajada marka lagujiran waa ninkii maalka u aabe yeeline
Go,aan waxa u ah  Inu basharka u calool hufanaado
Garashadiisu waa ninkii aysiisu inu addoomada u dhimriyo
Goortu Go,aan  qaatana  waa ninkii garabsada rabigiiye 
Goorkastana waa ninkii u samafala labadiisa waalid
Geediga aynu u wada diyaar garawno muslimiiney



T.daaud Abdullah el-arine
Previous
Next Post »